Leicester City oo Nampalys soo iibsatay

Image caption Nampalys Mendy

Kooxda Leicester City ayaa qandaraas afar sano ah kula soo wareegtay ciyaaryahan Nampalys Mendy oo dhexda uga dheella faransiiska.

24 jirkaas oo horay ula soo shaqeeyay Claudio Ranieri markii uu macallinka ka ahaa Monaco ayaa lacag aan la shaacinin ugu soo wareegaya kooxdan haysata horyaalnimada Ingiriiska.

Kooxda Nice ee uu hadda u dheelayay ayuu ku soo biiray 2013 wuxuuna u saftay 110 kulan.

Mendy waxa uu noqonayaa ciyaaryahankii saddexaad ee kooxda Leicester ku soo biira waxaana ka sii horeeyay gool haye Ron-Robert Zieler iyo Luis Hernandez oo difaaca ka dheela.

Wuxuu yiri “waan aqaanaa tababaraha, waana aqaanaa sida uu u shaqeeyo iyo sida uu wax u rabo, marka uu hadlayo si toos ah oo cad ayuu dadka ula hadlaa, aniguna arrintaas waan ka helaa”.

Mendy wuxuu saftay dhamaan ciyaarihii kooxda Nice ay dheeshay xilli ciyaareedkii u dambeeyay, iyada oo kooxdiisu ay kaalinta afraad ka gashay koobka ugu sareeya Faransiiska.

Afar jeer ayuu u dheelay xulka qaranka Faransiiska ee da’doodu ka hoosayso balse ilaa iyo hadda uma safanin xulka qaranka dalkiisa.