Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaaliya oo ka qayb galaysa Olymbiga

Iyada oo ay dalalka caalamka isu diyaarinayaan ciyaaraha Olympic-ga ee bisha soo socota ka dhacaya magaalada Rio ee dalka Brazil, ayaa Soomaaliya orodyahannada matali doonna waxa ay hadda tababar kaga jiraan garoon ku yaalla Muqdisho.

Maxamad Daud Maxamad iyo Maryan Nuux Muuse ayaa ka qeyb qaadan doona orodka 5000 ee mitir iyo 400 ee mitir, waxaana ay ku rajo weyn yihiin in ay natiijo wanaagsan kasoo hoyn karaan.

Weriyaha BBC Ibrahim Maxamed Aadan, ayaa ku booqday garoonka ay ku tababaranayaan, warbixintan ayuuna kasoo diray.