Messi oo racfaan ka qaadanaya xukun lagu riday

Image caption Lionel Messi iyo aabihii

Xiddiga kooxda kubadda cagta ee Barcelona, Lionel Messi iyo aabihii ayaa waxa ay racfaan ka qaadanayaan go’aan ay ku ridday maxkamad ku taal dalka Spain oo ku xukuntay midkiiba 21 bilood oo xarig ah oo loogu xukumay canshuur la baxsi, sidaa waxaa sheegay qareenada ciyaaryahanka.

29 jirkan u dhashay dalka Argentine, ayaa sidoo kale maxkamadda Barcelona waxa ay ku ganaaxday lacag dhan €2m oo euros oo u dhiganta (£1.7m; ama $2.2m).

Sikastaba ha ahaatee, lama filayo in Messi iyo aabihii ay xabsiga galaan, oo sharciga Spain ayaa dhigaya in qofkii lagu xukumaa wax ka yar laba sano oo xarig ah uu xabsiga bannaanka ku qaadan karo.

Ciyaaryahanka iyo aabihii ayaa lagu helay saddex qaab oo canshuur la baxsi ah.

Messi ayaa sanadkiiba Barcelona ku qaata lacag lagu qiyaasay €36m, iyadoo dakhliga soo galay 10-kii sano ee la soo dhaafay la sheegay inuu ku dhawaa €315m, iyadoo wargeyska Forbes uu ciyaaryahanka ka dhigay ciyaaryahanka 10-aad ee ay soo galaan kharashaad badan.

Kooxda Barcelona ayaa sheegtay inay si buuxdo u taageerayso laacibkooda Lionel Messi.