Ronaldo oo gaaray heerkii Platini

Waxaa la is-weydiinayaa kooxda ku soo biiri doonta Portugal oo u soo baxday ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka koobka qaramada Yurub.

Germany iyo France oo wada ciyaaraya caawa oo Khamiis ah ayaa middii badisa waxaa sugaysa kooxda Portugal oo soo reebtay qaranka Wales oo taariikhda markii ugu horreysay soo gaartay heerka semi-finalka muddo 58 siddeed sano ah.

Cristiano Ronaldo, ayaa la sinmay heerka gool-dhalinta ee Michel Platini oo sagaal gool ka dhaliyay ciyaaraha ugu dambeeya horyaalka Yurub iyadoo uu Ronaldo si xoog badan madaxa gool uga dhaliyay kooxda Wales ciyaartii semi-final-ka ee Euro 2016.