Mamadou Sakho oo kiis lagu waayay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Mamadou Sakho ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay go'aanka Uefa.

Xiriirka kubadda cagta ee Yurub, Uefa, ayaa kiis ku waayay laacibka difaaca uga dheela kooxda Liverpool iyo xulka Faransiiska, Mamadou Sakho.

26 jirkan ayaa maray ganaax ciyaaraha looga joojinayo 30 maalmood, ka dib markii dhiigiisa laga helay maado cayilka lagula dagaallamo.

Sakho ayaa qiray in uu adeegsaday maadadaasi, balse Uefa ayaa baaraysay in maadadaasi ay ka mid tahay kuwa la mamnuucay.

Gudiga anshaxa ee Uefa, oo tallo weydiistay khubaro dawooyinka la mamnuucay, ayaa markii dambe sheegay in Sakho aanu wax khalad ah samayn.

Laacibka iyo kooxdiisa Liverpool ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin go’aanka Uefa, iska markaana uu Sakho ciyaaraha dib ugu laaban doono.