Warbixin laga soo saaray ciyaartooyda Ruushka

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciyaarihii Olymbiga ee Sochi 2014

Baaritaan ay sameeyeen Hayadda Caalamiga ee ka hortaga Daroogada, ayaa sheegtay in wasaarada isboortiga ee Ruushka ay si toos ah u maamulaysay in la kala badalo kaadida laga qaadayay ciyaartooyda si loo baaro.

Warbixinta ayaa sheegtay in saddex hayadood ee dowladda ay ku lug lahaayeen daraaga ciyaartooyda ay qaadanayaan.

Gudiga ayaa baaray eedeymo uu soo jeediyay Grigory Rodchenkov oo ahaa madaxii hore ee ka hortaga daroogada ee Ruushka.

Gudiga baaritaanada ayaa waxaa hogaaminayay Dr Richard McLaren, oo ah professor sharciga dhiga ahna garyaqaan isboortiga isagoo sheegay inuu kalsooni ku qaba waxa ka soo baxay baaritaanka.

Rodchenkov, ayaa sheegay inay caawiyeen tobanaan ciyaartooy intaysan ciyaaraha bilaaban. Waxuu sheegay inay caawiyeen sirdoonka Ruushka.

Wuxuu sheegay inay barteen sidii loo furi lahaa qarshooyinka ay ku jiraan kaadida la baarayo, si loogu shubo kaadi cusub.

Warbixinta ayaa taageeri doonto baaqyo in Ruushka laga mamnuuco inay ka qayb qaataan ciyaaraga olymbiga ee 2016, ee ka bilaabanaya bisha August magaalada Rio de Janeiro ee Brazil.

Mowduucyada la xiriira