Liverpool oo iibsatay Georginio Wijnaldum

Liverpool waxay aqbashay heshiis £25m ah oo kooxda Newcastle ay kaga iibsatay laacibka khadka dhexe ee Wijnaldum.

Georginio Wijnaldum waa ciyaartoy heer caalami ah ee dalka Netherlands.

Wiilkan 25-jirka ah, oo afar sano ay uga harsan tahay heshiiskii uu kula joogay Newcastle, waxaa uu Jimcahan marayaa baaritaan caafimaad.

Wijnaldum waxaa uu ku soo biiray Newcastle oo £14.5m kaga soo iibsatay kooxda Dutch-ka ah ee PSV sanadkii 2015, waxaa uu Newcastle u saftay dhammaan 38 ciyaarood ee xilli-cyaareedkii la soo dhaafay, waxaana uu dhaliyay 11 gool.

Waxaa uu noqonayaa ciyaartoygii 6aad ee Liverpool soo iibsato ilaa iyo hadda xilli-ciyaareedkan soo socda.

Mowduucyada la xiriira