Liverpool oo £25m ku iibsanaysa Wijnaldum

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Georginio waxa uu kooxdiisa u dheelay 38-dii kulan ee ay xagaagii tegay ka dheeshay Horyaalka Ingiriiska.

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa heshiis ku kacaya £25m waxa ay kula saxiixatay ciyaaryahan Georginio Wijnaldum oo khadka dhexe uga dheela kooxda Newcastle United iyo xulka Netherlands.

25-jirkan khadka dhexe ku wanaagsan, ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda ku dheesha garoonka St James' Park waxaa uga haray muddo afar sano ah, maanta oo Jimca ah ayuuna tijaabo caafimaad u mari doonaa kooxda Liverpool ee ka tirsan kooxaha ugu magaca weyn Horyaalka Ingiriiska.

Wijnaldum ayay Newcastle 2015 kharash gaaraya £14.5m waxa ay kala soo wareegtay kooxda PSV ee ka dhisan dalka Holland.

Ciyaaryahankan ayaa dheelay dhammaan 38-dii kulan ee ay kooxdiisa xagaagii tegay ka dheeshay Horyaalka Ingiriiska, waxa uuna u dhaliyay 11 gool.

Ciyaaryahankan ayaa sidoo kale noqonaya ciyaaryahankii lixaad ee ilaa haatan ay xagaagan la soo saxiixatay kooxda Liverpool ee lagu naanayso Reds-ka.

Mowduucyada la xiriira