Kooxda Celtic oo la wareegtay Kolo Toure

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Kooxda Liverpool ayaa fasaxday

Kooxda Celtic ayaa dhamaystirtay qandaraas hal sano ah oo ay ku saxiixatay Kolo Toure oo difaac uga dheeli jiray Liverpool.

Soddon iyo shan jirkaas ayaa Anfield kala soo shaqeeyay tababare Brendan Rodgers wuxuuna kooxda u tagay in uu daboolo kaalinta difaaca oo ay aad oogu baahantahay tahay.

Sikastaba ha ahaatee lagama yaabo in Toure uu safto ciyaarta muhiimka ah ee dhacaysa Arbacada oo loogu soo baxayo Champions League taas oo ay la yeelanayaan FC Astana.

Kolo ayaa u dheela xulka qaranka ee Ivory Coast.

Tababaraha Celtic, Rodgers ayaa sheegay “in Toure uu yahay ciyaaryahan khibrad leh” wuxuu hadalkaas ka sheegay ciyaarta saaxiibtinimada ee Leicester ee Sabtida.

“Waxaan keenay Liverpool si uu khibradiisa ugu kordhiyo una caawiyo ciyaaryahanadii qaybta dhexe ee wakhtigaas”.

“marka ay ciyaaro waawayn jiraan aad ayuu ii caawin jiray” ayuu hadalka sii raaciyay

Toure ciyaartiisii u dambaysay ee uu u dheelo kooxda Reds ayaa ahayd midii kama dambaysta ahayd ee koobkii Europa League ee dhacday bishii May, taas oo laga badiyay.

Dhamaadkii xuili ciyaareedka ayayna Liverpool fasaxday, laakiin Rodgers ayaa ku kalsoon in uu saamayn wayn ku soo kordhin doono Glasgow.

Mowduucyada la xiriira