Madaxwaynaha FIFA oo Nigeria booqday

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Gianni Infantino ayaa horay u booqday dalal Afrikaan ah

Gianni Infantino oo ah Madaxwaynaha guddiga maamula kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ka dagay magaalada Abuja ee xarunta u ah dalka Nigeria.

Socdaalkaas oo labo maalmood oo shaqo ah ayaa waxaa ku weheliya xoghayaha guud ee FIFA Fatma Samba Samoura iyo dhawr ka mid ah kalkaaliyeyaashiisa.

Waa markii ugu horeysay ee muddo sanado badan ah uu madaxa FIFA booqdo dalka Nigeria.

Infantino iyo Fatma Samba Samoura ayaa waxa ay la kulmi doonaan madaxweyne Muhammadu Buhari iyo madaxda qaar ka mid ah xiriirrada kubadda cagta ee Afrika oo la filayo in ay gaaraan dalkaasi.

Nigeria ayaa ah dal magac ku leh kubadda cagta ee Afrika, inkastoo xulka dalkaasi uu labadii jeer ee ugu dambeysay uu ku guuldareystay in uu usoo boxo koobka qaramadda qaaradda.

Xiriirka kubadda cagta ee Nigeria ayaa waxaa hareeyay is-qabqabsi u dhexeeya hogaanka sare, waxaana ay FIFA ugu hanjabtay in ay ka mamnuuci doonto tartamada caalamiga ah.

Gudoomiyaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa booqashadiisii ugu horeysay ee Afrika bishii March ku tegay dalka Gabon, markaasi oo uu daahfuray koobka qaramada Afrika ee 2017-ka dalkaasi ka dhici doona.

Mowduucyada la xiriira