Puntland oo qaaday koobka m. goboleedyada

Image caption Kooxda Puntland ayaa gool ku laad kaga adkaatay Jubbaland.

Kooxda Puntland ayaa ku guuleysatay koobka maamul goboleedyada Soomaaliya ee ka socday caasimadda Muqdisho, ka dib markii ay gool ku laad uga adkaatay kooxda Jubbaland.

Ciyaarta ayaa waqtiga loogu talagalay ay labada koox isla dhaafi waayeen barbaro 1-1 ah, waxaana gool ku laadka 5-3 ku adkaatay Puntland.

Ciyaarta ayaa ahayd mid xaraarad badan, isla markaana soo jiidatay taageerayaal badan oo garoonka buuxiyay.

Xafladda koobka lagu gudoonsiiyay kooxda Puntland ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka ah.

Mowduucyada la xiriira