Guardiola oo xadidaya miisaanka ciyaartooyda

Lahaanshaha sawirka Reuters

Maamulaha kooxda Manchester City, Pep Guardiola, waxaa uu kulankii ugu horreeyay ee tababarka kooxda ka saaray qaar ka mid ah ciyaartoydiisa ilaa ay ka soo buuxinayaan shuruudo uu ku xiray miisaanka ciyaartoyda.

Laacibka difaaca ka ciyaara ee Gael Clichy waxaa uu sheegay in tababarahan reer Spain uu kooxda u sheegay inay iska ilaaliyaan cuntooyinka ay ka mid yihiin Pizza, cabitaannada qaar iyo cuntooyinka culus.

Tababare Guardiola waxaa uu sheegay in ciyaartoydu aanay miisan dheeraad ah lahayn hase ahaatee uu doonayo inay ahaadan kuwa caafimaad ahaan wanaagsan oo jirkoodu dhisan yahay.

Mowduucyada la xiriira