Brayan Jiminez oo dambi qirtay

Lahaanshaha sawirka SPL
Image caption sawir hore

Brayan Jiminez oo ah madixii hore hay’adda maamusha kubadda cagta ee Guatemala ayaa dambi ku qirtay maxkamad ku taalla magaalada New York.

Dambiyadaas uu qirtay waxaa ka mid ah wax is dabo marin.

Midkaste oo ka mid ah dambiyada uu qirtay wuxuu ku mutaysan karaa labaatan sano oo xabsi ah.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in Brayan uu helay boqolaal kun oo doolar oo laaluush ah, si uu shirkad fadhigeedu yahay Florida u siiyo xuquuqda suuq gayn qiimo badan oo loo samaynayay ciyaaraha is reebreebka ee dalkiisu uu ugu tartamayay ka qayb galka koobka Kubadda Cagta ee Adduunka

Bishii koobaad ee sanadkan ayaa lagu xiray Guatemala waxaana loo dhoofiyay Maraykanka isaga oo qayb ka ahaa baaritaan wayn oo lagu hayay hay’adda maamusha kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Baaritaanadaas ayaa horseeday fadeexad soo wajahday FIFA oo markii dambana lugta la gashay masuuliyiintii ugu saraysay.

Mowduucyada la xiriira