Ibrahimovic: mustaqbalka United wuu ifayaaa

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Rajo wayn ayuu ka qabaa in xilli ciyaareedka soo socda uu wanaagsanaan doono

Zlatan Ibrahimovic ayaa aaminsan in “wakhti aad wanaagsan uu ka horeeyo” arrintaas ayuu sheegay kaddib markii uu gool qurusan ka dhaliyay ciyaartii u horaysay ee uu u safto Red Devils.

Ibrahimovic, oo 34 jir ah, ayaa goosha ku hubsaday kubad uu u soo laaday Antonio Valencia.

United ayaa 5-2 ugu xoog sheegatay kooxda Galatasaray.

Kooxda ka socotay Turkiga ayaase labo gool la timid waxaana u kala dhaliyay Sinan Gumus iyo Bruma.

Ciyaarta ayaase is badashay markii Wayne Rooney uu labo gool dhaliyay Marouane Fellaini iyo Juan Mata ay min gool dhashadeen.

Ibrahimovic oo ah weerar yahan dalka Sweden u dhashay ayaa rumaysan in uu ifayo mustaqbalka Man United oo wali lala xiriirinayo ciyaaryahanka Juventus ee Paul Pogba.

Manchester United oo aan sanadihii dambe ahayn sidii looga bartay ayaa kooxda ku soo xoojisay Jose Mourinho oo ah tababare khibrad badan leh guulna lagu yaqaanno iyo dhawr ciyaartoy oo cusub.

Mowduucyada la xiriira