Saxaafadda iyo Af-Soomaaliga

BBC Somali

Sadar muuqdaa su'aal ka dhan. Saxaafaddu aaladda ugu muhiimsan ee ay adeegsato waa afka. Afka waxaa ku jira erayo aan macnahooda la wada aqoon iyo qaar aan isku si loo aqoon.

Waxaa ku jira erayo qadaf ah iyo qaar kale oo badan oo iyagana tahay in laga dhowrsado.

BBC waxay muhiimad weyn siisaa isticmaalka afka.

Soomaaliga ay isticmaaleysaa waa in uu ahaadaa mid si buuxda u soo gudbinaya macnaha la doonayo in uu gudbiyo.

Sida afafka kaleba uu af Soomaaligu yahay af intaa isbeddel ku dhacayo (erayo ku soo kordha, kuwa luma, qaar macnahoodu isbeddelo iwm).

Af Soomaaliga waxaa u dheer in uu yahay af weli aan ereybixintiisa xagga aqoontu aanay si fiican u saldhigan, maddaama uu ku salaysan yahay dhaqan reer guuraa, isla markaana qoraalkiisii uu ahaa 1972, meesha ay afafka qaar lahaayeen qoraal kumanyaal sano.

Sidaa darteed, BBC waxay daabacday bogaggan si ay dadka af Soomaaliga ku hadla ula wadaagto isbeddelka iyo horumarinta afka.

Akademiga Saxaafadda ee BBC iyo BBC dibedda la hadasha waxay ku faraxsan yihiin inay sameeyaan jiheeyaha shan luqadood oo Africa ah Somali, Hausa, Kenya-Rwanda, Kirundi, iyo Portuguese-ka Africa.

Tilmaamuhu waxa uu hoosta ka xariiqayaa sida ugu danbeyn ay saxaafaddu u tahay luqad. Si looga dooddo qiimaha saxaafadda, waa in marka hore qofku fahmaa doorka ay luqaddu ka ciyaarto sida loo qeexayo qiimahaasi.

Qeybtan cusub waxa ku biireysaa liiskii hore ee tilmaamaha luqadaha aan horey u sameynay ee Arabic, French, Swahili iyo Hindi, waxaana ay ka dhigeysaa tirada guud ee boggagga Akademiga Saxaafadda ee BBC ay sameysay 24 luqadood.

Tani waa tallaabadii ugu horeysay, waxaanu jecelnahay in boggaggan ay ballaartaan oo ay u noqdaan tilmaame buuxa saxaafadda iyo luqaddaha.

Wixii fikrad ah ku soo dir emailka somali@bbc.co.uk ama buuxi foomka dhinaca midig.