Guddiga Doorashada Somaliland

Image caption Guddiga Doorashada Somaliland

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo ka kooban todoba xubnood waa guddigii saddexaad ee soo mara somaliland tan iyo intii uu hirgalay nidaamka doorashada xisbiyada badani laga soo bilaabo dabayaaqadii 2002. Guddiga sida uu dhigaayo xeerka doorashooyinku saddex ka mid ah waxaa soo xulaya Madaxweynaha, labana golaha guurtida, labada kalena waxaa soo kala magacaabaya labada xisbi ee mucaaridka ah . Markaa ka dib Madaxweynaha ayaa digreeto ugu gudbinaya golaha wakiilada si ay u oggolaadaan ama u diidaan mid mid todobada xubnood. Guddiga doorashooyinka ee hadda waxaa guddoomiye u ah Ciise Yuusuf Maxamed, guddoomiye xigeenna Cali-Khadar Xasan Cismaan. Xubnaha kale waxay kala yihiin: Cabdifataax Ibraahim Xasan, Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil, Faarax Abiib Maxamed , Maxamed Axmed Xirsi, iyo Raabbi Shariif Cabdi. Guddigu iyagaa u madax banaan hawlaha doorashooyinka ee shaqaalo qorista, goobaha codbixinta, diiwaangelinta codbixiyaasha, maalinta doorashada , iyo ku dhawaaqidda natiijada doorashada. Xilka guddigu waa shan sannadood . guddigii ugu horreeyay ee doorashooyinka somaliland waxaa ay xilka hayeen 2002 ilaa 2007 waxaana ay qabteen doorashooyinkii golayaasha deegaannada 2002, doorashadii Madaxtooyada 2003, iyoo tii Baarllamaanka 2005 . Guddigii labaad oo waqti yar hayay xilka 2008 waa ay is casileen markii uu saameeyay murankii xisbiyada ee doorashada madaxtooyada oo dhawr jeer dib u dhacday. guddiga doorashooyinka Somaliland ee hadda qabanaya doorashada madaxtooyada 26ka june 2010 waxaa ay rasmi ahaan u shaqo galeen Oktoober 2009.