Dhaawaca Ciyaartoyda

Iyadoo maalmo yar o keliya ka hadheen bilowgii koobka aduunka(Jimcaha June11), ayaa wararka ciyaartoyga dhaawacmaya sii kordhayaan.

Ka dib markii Rio Ferdinand uu tababar ku dhaawacmay ayaa kooxda England hogaamin doona, oo captain-kooda noqonaaya , Steven Gerrard.

Ferdinand ayaa la sheegay in uusan ciyaaraha South Africa ka qayb qaadan doonin, wuxuuna ka dhaawacmay ruuga, waxaana lagu bedelay Michael Dawson, oo difaaca uga ciyaara kooxda Tottenham.

Waxa la eegaya qofka difaaca John Terry ka barbar ciyaaraya, waxaana loo malaynaya in Jamie Carraghar ama Ledley King labadooda midkood tiirka difaaca qaban doono.

Dalka Netherlands ama Holland aaa hada wararka soo baxaya sheegayaan in uu shaki ku jiro in ciyaartooygooda Arjen Robben laga yaabo in uusan kooxda u safan.

England oo keliya ma aha kooxaha dhaawacyadu soo gaadheen, ee kooxda Ivory Coast ayaa iyana captain-kooda, Didier Drogba, wuxuu ka jabay gacanta, waxaana laga baqaya in uusan ciyaaraha ka qayb qaadan.

Nigeria ayaa iyagana waxa ka dhaawacmay Obi Mikel, oo la sheegay inuusan ciyaaraha South Africa ka ciyaari doonin.

Kooxo kale, oo Talyaanigu ka mid yahay ayaa waxa jirta in ay soo food saartay dhaawacyo ciyaartoy ka soo gaadhay.