Xilliga ololaha doorashada Somaliland

Image caption Calanka Somaliland

Ololaha tartanka doorashada madxtooyada somaliland ayaa loo mudeeyay 3da june ilaa 23ka june. Guddiga doorashooyinka somaliland ayaa war ay soo saareen ku sheegay in xisbi waliba yeelanaayo maalin dalka oo dhan. Maalinta xisbi leeyahay waxaa uu banaanbaxyada taageerayaashiisa ku qabsan karaa fagaarayaasha magaalooyinka . Gudiga doorashooyinku waxay uga digeen xisbiyada tartamaya inaan la ooggoleyn in xisbina soo saaro taageerayaashiisa maalin aanu lahayn, lana ooggoleyn in xisbina xisbiga kale maalintiisa ku oriyo, sida uu ku soo waramay weriyaha BBC Axmed Saciid Cige. Doorashada madaxtooyada Somaliland waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee Kulmiye, UDUB iyo UCID . Doorashadu waxay dhaceysaa maalinta 26ka June 2010 oo ku beegan sannadguuradii 50aad ee markii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Britain 26kii june 1960 .