Kooxda kubadda cagta Portugal

Christiano Ronaldo wuxuu ka mid yahay laacibiinta kooxda Portugal.
Image caption Christiano Ronaldo wuxuu ka mid yahay laacibiinta kooxda Portugal.

Kooxda Portugal waa marki 4-aad, oo ay ka qeybgaleyso ciyaaraha koobka adduunka.

Marki ay ugu fiicnayd waxaa koobka adduunka ay ka qaygashay kaalinta 3-aad ciyaarihi ka dhacay England sannadkii 1966.

Tartankakan, waxaa ay iska xaadirineysaa ciyaaraha South Africa, iyadoo ay horboodayaan laacibiin aad u culus oo uu ugu horreeyo Cristiano Ronaldo.

Difaacana, waxaa uu ka koobaan Carvahlo, Pepe iyo Miguel.

Khadka dhexena Deco, Simao iyo Nani.

Group-ka Portugal ay ka tirsan tahay, oo ah G waxa uu ka mid yahay kuwa ugu culus.