Xulka kubadda cagta Slovakia

Ciyaartoyda kooxda Slovakia
Image caption Ciyaartoyda kooxda Slovakia

Dalka Slovakia waa markii ugu horreysay, oo uu ka qeybgalayo ciyaaraha kama dambeysta ee koobka adduunka South Africa, 2010.

Dal ahaan waxaaba uu curtay sannadki 1993, markii ay laba dal u kala qeybsameen dalkii la dhihi jiray Czechoslovakia, dalalkaasi oo loo kala bixiyey jamhuuriyadda Slovakia iyo Jamhuuriyadda Ceka.

Xulka Slovakia, waxaa kabtan u ah Marek Hamsik, oo khadka dhexe ka ciyaara, kana tirsan kooxda Talyaaniga ee Napoli.

Ciyaarihi isrebreebka Yurub, waxaa Group-ka ay ka tirsanayd ka gashay kaalinta koowaad.

Tababare waxaa u ah VladimirWeiss, oo ahna macalinka ugu da’da yar koobka adduunka isagoo jira 45 sanadood.

Slovakia waxay ka tirsan tahay group F.