Xulka kubadda cagta Spain

Xulka dalka Spain
Image caption Xulka dalka Spain ee kubadda cagta.

Spain waxa ey ka mid tahay kooxaha la leeyahay waa ey ku guuleysan karaan koobka 2010, madaama ey ka mid tahay kooxaha xilligakan ugu khatarsan adduunka.

Darajada Fifa waxa ey kaga jirtaa kaalinta labaad oo waxaa ka horreysa oo kaliya Brazil.Waa markii 12aad oo ey ka qeybgaleyso ciyaaraha koobka adduunka.

Kaalinta ugu fiican waxa ey ka gashay ciyaarihii 1950ki markaasi oo ey ku dhammeysatay kaalinta affaraad.

Wareega ey ka tirsan oo ah H waxaa lagu tilmaamay inuu ka mid yahay kuwa ugu fudud ciyaaraha.