Heshiiska xisbiyada Somaliland

Saxiixa heshiiska xisbiyada
Image caption Xisbiyada Somaliland, oo wadajir u saxiixay heshiiska xisbiyada ee doorashooyinka.

Munaasabad lagu saxiixaya qodobada heshiiska Xisbiyada Siyaasdda Somaliland, ayaa dhowaan lagu saxiixay magaalada Hargeisa.

Munaasabadda saxiixa heshiiiskan waxay ka dhacday xarunta madaxtooyada, iyadoo ay matalayeen sadexda xisbi ee Somaliland hogaamiyayaashooda xisbiga UDUD, oo uu hogaamiye madaxweynaha Somaliland Daahir rayaale Kaahin, Axmed Maxamed Siilaanyo, oo hogaamiya xisbiga Kulmiye iyo Feysal Cali Waraabe oo ah gudoomiyaha Xisbiga UCID .

Waxaa kaloo goob Joog ahaan u saxeexay heshiiskan, ku xigeenka Safiirka Britain ee Adis Ababa, John Marshal iyo madaxa shaqaalaha xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Mulugeyta Zowde, oo labaduba ka wakiil ahaa deeq-bixiyaasha iyo dowladaha daneeya Somaliland.

Qodobada heshiiskan, oo horseedaya sidii doorashadu uga dhici Lahayd si lagu wada kalsoonyahay, ayaa waxaa ka mid ah.

  • In dib loo saxiixo liiskii diiwaangelinta codbixiyaasha,
  • In Guddiga doorashooyinka is beddel lagu sameeyo,
  • In la keeno khubaro madax-banaan, oo caalami ah, oo guddiga doorashooyinka kala taliya diyaarinta doorashada siiba liiska codbixiyaasha shaandheyntiisa iyo sixitaankiisa.
  • In madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku sii hayaan xilkooda ilaa bil ka bacdi maalinta doorashada ,
  • Iyo in si wadajir ah loo wada shaqeeyo.