Kooxda qaranka dalka Netherlands

Kooxda kubadda cagta dalka Netherlands
Image caption Kooxda kubadda cagta dalka Netherlands.

Netherlands ama Holand waxay ku guleysatay wareegeeda isreereebka iyado sideedi ciyaaroodba sideed guul ku dhammeysatay, taaso ka dhigeysay kooxda kuwa ugu firfircoon kooxaha tartanka ugu jira koobka adduunka.

Tartanka koobka Konfur Afrika waa kii sagalaad oo ey ka qeybgaleyso Netherlands. Labo jeer (1974, 1978) waxay gaartay ilaa iyo ciyaarta kama dambeysta, oo ey ku guuldarreysatay inay horyaalnimada adduunka qaado.

Waa koox ka dhisan khadka dhexe iyo weerarka, laakin waxaa xooga shaki ah laga muujinaya dhinaca difaaca. Laacibkeeda ugu magaca weyn waa Arjen Robben.

Netherlands waxa sida Denmark ey ka tirsan tahay group E.