Sharaxaadda Muuqaalka Ciyaaraha

Sida loo isticmaalo qaybta tartamada Koobka Adduunka

Muuqaalka tartanka, wuxuu muujinayaa warar toos ah oo la xiriira tartamada kubadda cagta adduunka marka ay dhacayaan.

Maxaad ku arkaysaa?

Waxaad ku arkaysaa tartanka marka uu dhacayo oo muuqaal ah, daqiiqad-daqiiqad, bilow ilaa dhamaad – oo ay ku jiraan rigoorayaasha iyo waqtiga dheeraadka ah.

Dhacdooyinka muhiimka ah ee tartamada, waxay soo muuqanayaan marka ciyaartu bilaabanayso, waxaad arkaysaa haysashada kubadda, goolasha, rigoorayaasha iyo badalka, sidoo kale laadadka goolka lala eegto iyo kuwa lala gafo, koornooyin – iyo faahfaahin kale. Si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdo kasta, saar karsarka qaybaha kala duwan.

Ma jirto baahi keenaysa in aad cusboonaysiiso bogga, maadaama muuqaalku uu iskii isu badalayo marka natiijo soo kororto.

Ciyaartoyda u safan kooxda

Si aad u ogaato ciyaartoyda u safan koox, dhag ku sii magaca kooxda ee qaybta sare ee muuqaalka.

Faahfaahin dheeraad ah

Xaaladaha tartamo oo dheeraad ah si aad u ogaato, dhag ku sii qaybta xaaladda ee qaybta hoose ee muuqaalka. Waxaad ku arkaysaa ka qaybgalka, qaladaadka, off-side iyo laadadka tooska ah.

Muuqaaladan, waxaa soo saaray Qaybta Future Media ee BBC World Service, waxaana ay ku suuragalaan iyadoo la isticmaalayo quudinta toos ah oo laga heli Wakaaladda Warbaahinta UK.