Xisbiyada oo ka ololaynaya meelo kala duwan

Magaalada Burco

Waxaa maalmihii u dambeeyey maraya ololaha doorashada Somaliland ee dhici doonta 26ka bishan June.

Maanta, waxaa magaalooyin kala duwan isu soo baxyo ka dhigay xisbiga Kulmiye, iyadoo Madaxweyne Rayaale oo matalaya xisbiga Udub uu ku guda jiro kulamo iyo shirar uu Cadaadley kula yeeshay qaybaha bulshada.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Magaalada Boorama-na hogaamiyaha xisbiga Ucid Feysal wuxuu isu diyaarinayo isu soo baxaya lagu wado xisbigiisu inuu qabto.

Wariyaha BBCda Xuseen aw-Jaamac Jibriil Xagar oo Burco kala socda dar darta ololaha ayaa ka warbixin ka soo diray.