Nolosha dhalinyarada qaxootiga Dhadhaab

Ardo iyo saaxibadeed oo jooga Dhadhaab Lahaanshaha sawirka Wairimu Gitahi
Image caption Ardo iyo saaxibadeed oo jooga Dhadhaab

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee ku yaala waqooyi bari ee Kenya, waxaa la sameeyey 1991-dii waqtigaas oo u jeedaduna ahayd in si ku meel gaar ah loo dejiyo qaxootiga ka soo qaxayey Soomaliya burburkii ka dib.

Labaatan sanno kadib weli colaadii way sii socotaa, Soomali badanna way ku soo qaxaysaa xeryaha. Balse, dadka da'yarta ah ee xeryaha ku noolaa mudada 20 sanno ah, xeryaha qaxootiga waa hoyga kaliya ee ay abid arkeen.

Xeryaha Dhadhabaab, waxaa loogu talagalay in ay hooy u noqdaan sagaashan kun oo qaxooti ah. Balse, haatan tirada qaxootiga ku nool waxay caga cageyneysaa nus milyuun qof.

Qaar ka mid ah Qaxootiga, waxay ku dadaalayaan sidii ay nolol caadi ah uga sameysan lahayeen xeryaha qaxootiga. Waxayna maalin walba la hardamayaan dhibaatooyinka hortaagan.

Waxaanu qormadan ku eegaynaa nolosha qaar ka mid ah da'yarta ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab:

Guurka Dhalinyarada

Lahaanshaha sawirka Wairimu Gitahi

Ardo Axmed, waa gabar da' yar oo isu diyaarinayso guur. Arooska waxa uu ka dhacayaa guriga waalidkeed. Waa ay mashquulsantahay oo waxay ku guda jirtaa howshii guurkeeda. Waxay jirtay shan sanno markii ay timid xeryaha qaxootiga. Hadda oo ay jirto 24 sanno ayay u aragtaa dhibaatooyinka soo maray kuwo mar hore tagay, waxayna xoogga saareysaa xaaladda cusub ee ay gelayso.

Si la mid ah hablaha da' yarta ah, ayaa Ardo waxay soo maray xiriiro iyo haasaawe ay la sameysay rag kala duwan ka hor inta aanay go'aansan wiilka ay hadda is guursanayaan. Waxay wada socdeenmuddo laba sanno ah. Waxay hadda ku guda-jiraan qaban-qaabaddii ugu dambeeysay ee arooskooda.

" Jaceyku waa uu jiraa meel walbo, xitaa xeryaha qaxootiga- dadku waxay u haystaan in dadka qaxootiga ah haystaan dhibaatooyin fara badan oo xitaa ka hor istaagaya in ay jaceyl dareemaan, balse sidaas ma aha jaceylku waa xaalad dabiici ah oo qof walba uu marayo" Ayey tiri Ardo.

"Qaxootigu waa bani'aadam, way dareemayaan jaceyl, waxay yeeshaan xiriiro, way guursadaan caruurna way dhalaan" ayey raacisay.

"xeradan qaxootiga waxaad inta badan ku arkeysaa xaflado aroos. Meel walba oo aad joogto jaceyl waa uu jiraa."

Ardo Axmed waxay sidoo kale qeyb ka qaadanaysaa dhisida guriga ay doonayso in ay degto. Waxaa intaas u dheer in ay muuqaalkeeda iyo biliceeda ka shaqeyso oo ay is qurxiso ilaa xad.

" Dhaqankeenu waxa uu qabaa in qofka dumarka ah ee la guursanayo in ay is qurxiso , xinno is marso."

Ardo Axmed, waxay ka soo tagtay soomaliya iyadoo shan sanno jirta. Waxay weli xasuusataa sid ay xaaladu ahayd markii reerkeedu uu soo qaxayey.

" Waan xasuustaa xabadihii dhacayey, iyo wax walba oo dhacay. Waxaa kaloo xasuustaa sida qaar ka mid ah dadkii aan deriska ahayn loo laayey. Markii aan aragnay dhiiga daadanaya, waalidkeen waxaa yiri " Tani waxay muujinaysaa natiijada ka dhalata colaada."

Ganacsiga iyo waxbarashada Dhalinyarada

Lahaanshaha sawirka Wairimu Gitahi

In badan, oo ka mid ah qaxootiga waxay ku nool yihiin lacago ay eheladooda uga soo xawilaan dibeda.

Qaar ayaa gannacsi galay, oo waxaad xeryaha qaxootiga ku arkaysaa dukaamo lagu iibiyo cunnada ilaa qalabka korontada.

Mid ka mid ah guryaha ka sameysan alwaaxa waxaa fadhiya nin wax ku qoraya Kombuyuutar oo fariimo ku qoraya boggiisa barta bulshada ee Facebook uu ku leeyahay.

Mowliid Iftin Xujaale, waxa uu isu diyaarinayaa in uu ka tago xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab markii ugu horaysay tan iyo intii uu halkaan yimid 1999-kii.

Waxa uu dhowaan ku guulaystay deeq waxbarasho oo uu ka helay Sudan. Waxa uu doonayaa in uu barto xirfada saxaafada. Waxa uu soo maray halgan dheer.

Waxa ugu darneyd markii uu yimid xeryaha qaxootiga.

"Waxa geeriyooday aabahay ka dib muddo badan oo uu xanuunsanaa, maanan awoodin in aan isbitaalka u qaadno. Waxaan ka qaxnay halkii aan deganeyn markaas oo aan kala lunnay hooyo" ayuu yiri Moulid.

"Aad bay iigu adkeyd in aan imaado xeryaha qaxootiga aniga oo aanay i wehelinin waalidkey. Balse, halkan waxaan ku helnay nabad. Ma jirin wax rasaas ridaya, xaaladuna way degan tahay."

Mowliid waxa uu ku guulaystay in uu iska diiwaan geliyo dugsiga hoose dhexe ee Xeryaha qaxootiga. Saddex sanno kadibna waxa xeryaha qaxootiga soo gaartay hooyaddii oo ay markii hore is waayeen. Waxay ahayd arrin uu aad ugu farxay.

Waxa uu diirada saaray waxbarashadiisii, sannado kadib waxa uu ka mid noqday ardeyda waxbarashada u aaday dalka Sudan.

Ardo iyo Mowlid waxay ka mid yihiin caruurtii iyagoo yar soo galay xeryaha qaxootiga. Balse, waxay haatan ka fikirayaan mustaqbalkooda. Rajadoodu waxay tahay in mar uun ay dib ugu laabtaan dalkooda oo nabad ah.