Taariikhda SYL

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Taaladii ururka SYL
Image caption Taaladii ururka SYL

Taariikhda ururka SYL iyo halgankiisii waxaa ka waramaya Allaha u naxariistee Cali Xasan Cali oo loo yaqaano Cali Barduuro oo ka mid ahaa 13kii dhalinyaro ee aasaasey ururkii gobanimadoonka ee SYL.

Cali Xasan Barduuro waxa uu ahaa xubintii ugu danbeysay ee ka nooleyd asaasayaashii SYL, waxaana uu bishii December ee sanadkii 2009 ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Image caption Xubnihii ururka SYL

Waxaa intii uu noolaa la kulmay Cali Barduuro, weriyaha BBC ee Nairobi Yusuf Hassan oo ka wareystay taariikhdii ururka SYL iyo halgankii ay u soo galeen gobonimada Soomaaliya.