Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Martiqaadka ganacsatada ee Obama

Dadka ganacsatada ah ee ka qeybgalay shirkan oo loogu magac daray bilow cusub waxa ka mid ah Nuuriyo Shiikh faarax oo ah madaxa hey'ad samafal oo la yiraahdo Gargaar Kenya, Yusuf Muuse Dawaale oo ah madaxa shirkadda Dawaale iyo Ilhaan Maxamed Jaamac oo madax ka ah shirkadda Ismaaciil.

Xubnahan ayaa ka qeybgalaya barnaamijka Falanqeynta ee toddobaadkan oo ka hadlaya hawlaha ay qabteen iyo shirka ay ka qeybgaleen ee Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu ku casuumay.

Shirkan ayaa waxa uu daba socdaa khudbaddii Madaxweynaha waddanka Mareykanka Barack Obama ka jeediyay magaalada Qaahira ee waddanka Masar ee uu kaga hadlayay xiriirka Mareykanka iyo Caalamka Islaamka.