Waraysi aan la yeelanay maamulaha warshada kaluunka ee Laasqoray

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Mid ka mid ah kalluumaysatada reer Kismaayo
Image caption Mid ka mid ah kalluumaysatada reer Kismaayo

Warshada kaluunka ee Laasqoray oo ay lahaan jirtay dowladii hore ee Somaliya, sanadkii 2000 ganacsato Soomaali ah ayaa dayac tirtay warshada Laas qoray oo soo saari karta ilaa lix tan oo kalluun maalintii axayna ku tala jirtaa inay soo saarto 40 tan oo kalluun maalintii.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi maamulaha warshada kaluunka ee Laasqoray, wuxuu ka mid ahaa ganacsatadii ka soo qayb gashay shirkii Soomaalida ee lagu qabtay dhawaan Magaalada Istan bul ee dalka Turkiga Yusuf Garaad ayuu uga waramay warshada.

Khadiijo Barqadle

Khadiijo Barkhadle waxay ka mid tahay ganacsatada waawayn ee Djibouti waxay wadanka ku leedahay shirkada dhismaha ee haboon, mid Shirkada biyaha biyaha sifaysa ee la yiraahdo Zamsam

Iyo warshad samaysa rootiga oo layiraahdo Atlanta Bakery.

Khadiijo waxay deganaan jirtay magaalada Atlanta ee dalka Maraykanka.

Macaamiisha ugu wayn ee qadiijo ay wax ka iibiso waxaa ka mid ah ciidamada Maraykanka ee jooga Djibouti, iyo hotelada waawayn ee Djibouti

Khadiijo waxay hada ku tala jirtaa inay Baasto u samayso ciidamada Maraykanka.

Wariyaha BBCda ee Washington Maxamed Xusein Xaji ayay uga warantay ganacsigeeda.