Dhaqaalaha Gariiga

Wadanka Gariiga ayaa waxaa soo food saaray dhibaatooyiin dhaqaale kadib markii ay soo daymatay lacag badan, si ay ugu qarashgarayso misaaniyada dowlada. Gariiga wuxuu kor u dhaafay misaaniyadiisa 13.6 boqolkiiba.

Image caption Mohamed Khaliif wuxuu ka tirsan yahay Bangiga Horumarinta Africa

Sidoo kale dalalka Spain iyo Boortiqiiska ayaa qatar ku jira. Spain waxay kor u dhaaftay misaaniyadeed 11.2 boqolkiiba, Boortaqiiskana wuxuu kor u dhaafay misaaniyada 9.4 boqolkiiba

Daymaha ay dowladaha soo qaataan waxay ka soo qaataan suuqyada lacagaha iyo bangiyada, iyadoo ay dowlada dhiibayso waraaqo shahaado ah oo loo yaqaan Bond oo dadka lacagta dayminaya dowlada u balanqaadaya faaiido dulsaar ah.

Hadii dowlada misaaniyadeeda ay ka kor marto lacagtii dowlada soo galaysay waxaa dhib noqonaya in dowlada ay daynta lagu leeyahay iska bixiyo.

Suuqyada ay dowlada lacagta ka soo amaahato waxay dowlada ku kor dhinayaan dulsaarkii laga rabay daynta ay qaadanayso, kadibna waxaa sii badanaya dayntii ay dowladaas bixinayasay.

Hayadda lacagta aduunka ee IMF ayaa wadanka Gariiga siiyay 110 billion oo dollar dayn deg deg ah, oo ay iskaga bixiso daymaha ilaa sanadka 2012.

Laakiin waxaa sharuud looga dhigay adynta Gariiga inay dhimaan miisaaniyadooda.

Spain waxay ku dhawaaqday, inay dhimayso 19 billion dollar misaaniyadeeda labada sano ee soo socota.

Maxamed Kaahiye Khaliif wuxuu ka tirsan yahay Bangiga Horumarinta Afrika ee saldhigiisu yahay Tunisiya, shaqadiisu waxay tahay sidii loo qiyaasi lahaa tayada waddamada daynta la siinayo iyo shirkadaha waxaan ka waraystay isbadalka daymaha ay qaadato.