4 June, 2010, 10:56 GMT 10:56 SGA

Horumarka Rwanda

Rwanda waxay maalgalinaysaa tecknolojiyada Fibre optiga

Rwandawaxay doonaysaa inay noqoto xarunta tegnolojiyada ee Afrika

Dalka Rwanda oo uu ka dhacay xasuuq 16 sano ka hor ayaa horumar wayn ka gaartay xaga dhaqaalagha iyo Technolajiyada


Rwanda ayaa qorshaynayso, inay noqoto wadan dhaqaalihiisu uu dhexdhexaad yahay markii la gaaro sanadka markuu yahay 2020ka, waxayna dowlada qorshaynaysaa inay dhaqaalaheeda cusub ay ku dhisto internetka.

Dowladda Rwanda ayaa dhawaan la gashay heshiis 50 million oo dollar ah shirkada Korea Telecom ee kuuriyada koonfureed, si ay u dhigto Kabalada broadbandka ah dhulka hoostiisa wadanka oo dhan.


Sidoo kale Rwanda waxay qorshaynaysaa mustaqbalka inay siiso computer laptop ah cunug walba oo iskuulka dhigto.

Hadaba Rwanda oo dhaqaalaheedau hada ku dhisan yahay beeraha, muxuu qorshaha dhaqaale ee internetka ku dhisan ka badali doonaa Rwanda.


Warayaha BBCda Peter Davis oo booqday Rwanda ayaa warbixintan ka soo diray.

Afrika iyo Yurub


Duulimaadyadii diyaaradaha ee la joojiyay wadamada yurub kadib markii Valcano ka qarxay dalka Iceland uu danbas ka buuxiyay hawada, ayaa wadamo badan oo Afrikaan ah ay qasaareen malaayiin Dollar.


Ganacsiga kenya, Tanzania ee ubaxa ayaa sheegay inay qasaareen ilaa 12 million oo dollar, ka dib markii diyaaradihii qaadi lahaa ubaxa iyo qudaarta la ga soo dhoofiyo Kenya ay ku garoonka diyaaradaha ee Nairobi shan maal mood.

Ganacsiga Kalluunka iyo Ubaxa ee Uganda ee Yurub loo soo dhoofiyo ayaa sidoo kale qasaaro badan ay soo gaartay.

Shaqaalaha beeraha Kenya ayaa saamayn wayn ay ku yeelatay duulimaadyada diyaaradaha ee la joojiyay qaarada yurub.

Boqolaal kun oo shaqaale reer Kenya ah ayaa ka shaqeeya beeraha, oo ah waxyaabadaha ugu badan ee ay Kenya dibada u dhoofiso .

Kumanyaal shaqaalaha beeraha ayaa guryahoodii loo ditray oo shaqo la aan ah.


qaboojiyayaashii cuntada la galinayay ee ku yaalay garoonka diyaaradaha iyo beeraha dhexdooda ayaa buuxsameen , waxaana la tuuray ubax iyo qudaar tiro badan oo la tuuray oo halaabay.


Wariyaha BBCda Daud aways ayaa ka waramaya qasaaraha ka soo gaaray Kenya iyo Tanzaniya Duulimaadyada diyaaradaha ee Yurub ee istaagay.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.