Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka Afrika dhaqaalaha 2010

Shirka dhaqaalaha aduunka oo looga hadlayo Afrika ayaa lagu qabtay sanadkan magaalada Dar es salaam.

In kabadan 10 hogaamiye iyo ganacsato ka kala socota 85 wadan ayaa ka qayb galay kulankan oo socday saddex maalmood.

Waxyaabaha ugu wayn ee looga hadlay shirka waxaa ka mid ah, sidii loo ga hortagi lahaa dhibaatooyinka hoos u dhaca dhaqaala aduunka, sidii loo hor marin laahaa iskaashiga waddamada Afrika sida dhinacyada isgaarsiinta iyo gaadiidka.

Mandheera

Degmadda Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa markii ugu horysay waxaa laga sameeyey warshad lagu sameeyo rootiga.

Warshada rootiga lagu sameeyo ayaa waxa loo suuq geeyaa magaalooyinka xadka ku dhow ee waddamada Somalia iyo Itoobiya.

Wariyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay oo dhowaan booqday warshada ayaa la kulmay maamulaha.