Shidaal laga raadinayo Harada Tanganyika

Afartan iyo lix milyan oo dollar heshiis ah ayay kala saxiixdeen dowladda Tanzania iyo shirkad shidaalka ee Australiya, Beach Energy, si looga raadiyo shidaal saliid iyo Gaas dhinaca koonfureed ee harada Tanganyika.

Image caption Harta Tanganyika ayaa laga raadinayaa shidaal,waxayna martaa shan waddan

Lacagta ayaa loo isticmaali doonaa in lagu raadiyo shidaalka, laguna dhiso kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka.

Wasiirka Tanzania ee Macdanta iyo Shidaalka,William Ngeleja ayaa sheegay in gobolka aan wali laga baarin shidaal uuna heshiiska yahay maalgalin muhiim u ah Tanzania.

Harta Tanganyika oo dherererkeedu yahay lix kun iyo afar boqol oo kilometer ayaa wuxuu maraa Tanzania, Brundi, Jamhuuriyada Dimoqraadiyada ee Congo iyo Zambiya.

Harta Tanganyika ayaa leh biyaha labaad ugu qotada dheer adduunka.

Harta Albert ee Uganda ayaa horay looga helay shidaal.