Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsatada Soomaalida ee Uganda

Image caption Uganda waxaa ku nool Soomaali badan oo ganacsato, arday iyo qaxooti ah

Dhaqaaleyahanada dalka Uganda ayaa sheegey in qaraxyadii dhowaan ka dhacey magaalada caasimadda ee Kampala aaney waxyeeleyn doonin maalgashiga ku soo badanaya dalka, balse loo baahan yahay in dowladdu qaado talaabooyin ay ku adkeyneyso amniga.

Dhaqaaleyahanadan ayaa aaminsan in sida dowladdu ay u la tacaashey xaaladda amniga qaraxyada kadib ay maalgeliyeyaasha siineyso kalsooni.

Qaraxyadani ayaa ku soo beegmaya wax laba toddobaad ka yar markii lagu dhawaaqey dhaqangalka suuqa ganacsiga ee dalalka Bariga Afrika ee East African Community oo arrimaha looga fadhiyo ay ka mid yihiin in dadka iyo alaabada ay si xor ah ugu kala gudbaan dalalka xubnaha ka ah ururka.

Waxaa qaraxyada Kampala mas’uuliyadeeda sheegtey kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Hadaba ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Uganda saameyn intee la’eg ayay ku yeelatey arintan. Weriyaha BBC Daud Aweis ayaa magaalada Kampala kula kulmey qaar ka mid ah ganacsatadaasi, wareysina la yeeshey. Waxaana uu ugu horeyntii la hadley Axmed Saciid Cali.