Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Misaaniyadda Dowladda Britain

Image caption Wasiirka Maaliyadda oo ku dhawaaqaya misaaniyada la dhimayo afarta sano ee soo socota

Dowladda Isbahaysiga ee Britain ayaa ku dhawaaqday lacagtii ugu badnayd ee miisaaniyada wadankan laga dhimo tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Wasiirka Maaliyada ee Britain Gorge Osborne ayaa ku dhawaaqay 130 billion oo dollar in miisaaniyada dowladda laga dhimayo afarta sano ee soo socota si loo yareeyo daynta lagu leeyahay dowladda oo sanadkii hore ahayd 155 billion oo pound.

Dowladda britain ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxay qarash garaysay lacag badan oo ay ka soo daymatay suuqyada lacagaha, kadib markii ay ku filnaan wayday lacagta canshuurta ka soo gasha dowladda.

Lacagta ay dowladda Britain lagu leeyahay ayaa waxay ku bixisaa dulsaar dhan 44 billion oo pound sanadkii, taasoo sii badinaysa daynta lagu leeyahay dowladda sanad walba.

Misaaniyada ay dowladda dhimayso darteed, waxaa shaqo la aan ay ku dhacaysaa ilaa 490 kun oo shaqaalaha dowladda ah afarta sano ee soo socota.

Cabdiraxmaan Beileh wuxuu ka tirsan yahay Banangiga Horumarinta Afrika, waxaan ka waraystay Faaiidada iyo qasaaraha ay leedahay in dowladda ay dhinto miisaaniyadeeda.

Boorame

Gaadiidka oo qayb weyn ka qaata dhaqdhaqaaqa ganacsiga siiba magaalooyinka gudahooda, ayaa waxaa suuqyada ganacsiga ee boorama ku soo kordhay gaadiid dadweynuhu isaga raacaan magaalada dhexdeeda. Gaadiidkaasi oo ah mootooyinka sadexda lugood leh ee loo isticmaalo Taxi ahaan, weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo tagey suuqa Boorame ayaa waraystay darawalada iyo rakaabka mootooyinka taxiga ah.