Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guryaha laga dhisto Djibouti

Image caption Agaasimaha iibka ee shirkada guryaha SID ee Djibouti Suubane Muuse Jibriil

Dalka Djibouti horumar ay ka gaartay dhinaca bangiyada ayaa waxay u suurto galisay in Shirkadaha guryaha dhisa ay helaan lacag ay ku maal galiyaan guryaha ay dhisayaan, kadibna ay dadka reer Djibouti ka iibiyaan guryaha iyagoo dayn ku siinaya dadka guriga ay gadanayaan.

Dadka ayaa daynta guryaha iskaga bixin kara ilaa labaatan sano ama ka yar.

Shirkadaha waawayn ee Djibouti ka dhisa waxaa ka mid ah shir kad la aas aasay 1956 oo la yiraahdo SID, guryihii ugu danbeeyay ee ugu badnaa oo gaaraya kun guri waxay ka dhistay xaafada Hodan.

Shirkada SID waxaa iskaleh dowladda Djibouti, waxay sidoo kale dhistaa guryaha ay dowladda ay dadka siiso.

Weriyaha BBC ee Daud Aweis ayaa booqdey xarunta shirkadda ee magaalada DJibouti, halkaasna ku wareystey Suubane Muuse Jibriil oo ah Agaasimaha iibka ee shirkadda.

Hargaysa

Hay'adda Kaaba oo ganacsatada yaryar kaalmeysa ayaa waxay ka bilowday magaalada Hargeysa iyo Berbera, inay dadka danyarta ah amaah kaga sii iibiso haamaha gaaska wax lagu karsado iyo gaastaba. Kaaba waxay sheegeen inay heshiis la galeen Sharikadda ka ganacsatada gaasta wax lagu karsado ee SOMGAS. ee Magaalada Hargeysa. Weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay arintaas gudoomiyaha hay'adda KAABA Rashiid Sulub Caalin.