Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsatada Soomaalida ee Koonfurta Sudan

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Ganacsatada Soomaalida ee shidaalka ee Koonfurta Sudan

Koonfurta Sudan ayaa noqonaysa wadan cusub Sabtida soo socota Gobolka Abyei ee shidaalka laga soo saaro ayaa wuxuu ku yaalaa koonfurta Sudan, laakiin dhuumaha laga dhoofiyo saliida shidaalka iyo warshadaha lagu sifeeyo shidaalka ayaa waxay ku yaaliin waqooyiga Sudan.

Koonfurta iyo Waqooyiga Sudan ayaa waxay qaybsadaan lacagta ka soo gasha shidaalka Sudan.

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Ganacsatada Soomaalida ee Koonfurta Sudan

Heshiiska ay Koonfurta iyo Waqooyiga Sudan ku qayb sanaayaan lacagta ka soo gasha saliida shidaalka ayaa lagu gaaray heshiiskii nabada ee 2005tii, heshiiska ayaa wuxuu dhici doonaa waqti dhow waxaana u socda wadahadal Koonfurta iyo Waqooyiga Sudan sidii loo gaari lahaa heshiis cusub iyo sidii loo qaybsan lahaa daynta wadanka lagu leeyahay.

Ganacsatada Soomaalida ee joogta Koonfurta Sudan waxay ka ganacsataa Shidaalka, Wariyaha BBCda Bashkas jug soo dhacay oo jooga magaalo madaxda koonfurta Sudan ee Juba, ayaa la kulmay qaar kamid ah ganacsatada soomaaliyeed ee magaalada Juba ee koonfurta Sudan.

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa marar badan lagu eedeeyay in malaayin doollar oo soo galay aan la garanayn meesha ay ku dambeeyeen. Eedeynta waxaa ugu dambeeyay mid uu sameeyay mas'uul ka tirsan xafiiska Raiisal Wasaaraha oo shir saxaafadeed oo uu ku qabtay Nairobi ku tilmaamay in lacago badan oo dowladda soo gashay aan xataa buugga dowladda lagu qorin, meel ay ku dambeysayna aan la aqoon.

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane, ayaa Yusuf-Garaad weydiiyay lacagaha maqani meesha ay jiraan.