Korontada Ceerigaabo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Novermber, 2011, 17:49 GMT 20:49 SGA

Media Player

Shirkada Ebco ee korontada ayaa laga furay magaalada Ceerigaabo

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Shirkada Ebco ee korontada ayaa laga furay magaalada Ceerigaabo.

Shirkada ayaa waxaa isla leh ganacsato Soomaali ah waxaan ku baxday lacag dhan hal milyan oo dollar hirgalinteedii.

Maxamoud Axmed liibaan oo ka mid ah milkiilayaasha shirkada ayaan ka waraysanay furitaanka shirkada iyo waxa ay soo kordhinayaan.

Nigeria

Iyadoo ay aad u hoosayso saadaalinta kororka dhaqaalaha ee Yurub iyo Maraykanka ayaa toddobaadkan hayaad lacagta adduunka ee IMF ay warbixin ay soo saartayku sheegtayin wadamada saxaaraha ka hooya ee Afrika uu dhaqaalahoodu kobci doono i ka badan shan boqolkiibasanadkan iyo sanadka 2012.

Nigeriya ayaa ka mid ah wadamada dhaqaalahoodu uu aadka u kordhayo iyadoo Nigeriya ay soo saarto shidaalka oo qiimahiisu uu hadda sareeyo. Dadka reer Nigeriya ee ku nool Yurub iyo Maraykanka ayaa dib ugu noqonaya waddankooda si ay uga faaidaystaan fursadaha ganacsi ee ka jira wadankooda.

Magaalada Lagos waxaa warbixintan ka soo diray wariyaha BBCda Jonah Fisher.

Lacagta Euro

Shir looga hadlaayo dhibaatooyinka daymaha Yurub ayaa ka socda magaalada Brussels, waxaa looga hadli doono waxaa ka mid ah sidii lacago maalgalin looga heli lahaa dalalka dhaqaalaha waawayn ee soo koraya sida Shiinaha iyo Brazil. Madaxa hayadda Yurub ee EFSF ee loo sameeyay inay lacago dayn ah siiso dalalka yurub ee daymaha aan iska bixin karin ayaa booqan doona toddobaadkan dalka Shiinaha wariyaha BBCda Andrew Worker.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.