Cadaadis la saarayo Silvio Berlusconi

Baarlamaanka Talyaaniga Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Baarlamaanka Talyaaniga ayaa maanta qaadaya cod lagu yaraynayo miisaaniyada dowladda

Waxaa jira walaac laga qabo suuqyada lacagaha in dhibaatooyinka daymaha Yurub ay qatar u keenaan dalka Talyaaniga. Waxaa aad u korortay lacagta dulsaarka amaahda dowladda Talyaaniga qaadato sababtoo ah waxaa cabsi laga qabaa in uu Talyaaniga iska bixin waayo daynta.

Cadaadis badan ayaa la saaray Raiisalwasaare Silvio Berlusconi inuu is casilo.

Hogaamiyaha xisbiga Nothern league Umberto Bossi ayaa sheegay in Berlusconi uu xilka ka dago laguna badalo wasiirkii hore ee cadaalada Angelino Alfano.

Baarlamaanka Talyaaniga ayaa maanta qaadaya cod lagu yaraynayo miisaaniyada dowladda.