Afrika oo ah suuqa labaad ee Mobileka

Warbixin ay soo saartay ururka caalamiga ah ee isgaarsiintaee GSM waxay sheegaysaa in boqolkiiba 50 dadka afrikanka ah ay isticmalaan telefoonada gacanta lagu qaato ee Mobile-ka, balse waxay intaasi ku daraysaa in weli jirto fursad lagu sii kordhin karo tiradaasi.

Waxay sheegaysaa warbixintu in dalka Nigeria oo ah waddanka ugu dadka badan qaarada africa ay kunool yihiin macamiisha ugu badan ee isticmaala mobilka halak dalka koonfur africa oo ah waddanka ugu hormarsan dhinmaca kaabayasha dhaqaalaha uu ku horeeya dhinaca qiimaha jaban ee adeega mobilka.

Isticmaalka mobile-ka ee qaarada africa waxa lagu tilmaamay in uu yahay "technolojiyad si dhaqsa ah u horumartay" oo u sahashay macamiisha in ay dhinac maraan khadadka telefoonada ee guryaha la dhigta oo ah kuwa aanan la isku haleyn kerin.

Mobilka waxaa loo arkaa aalad gacan ka geysan karto dhinaca horumarka isla markaasna loo adeegsan karo in lagu gudbiyo cabashooyinka.

Tuslaale ahaan sannadkii tagay mobilka waxa uu gacan ka geystay cabasho ka dhan ahayd sicir cunnada oo ka dhacday dalka Muzambique halkaas oo laba jabaar dadka kunool isticmalaan telefoonka gacanta isla markaasn ay heli karaan koronto.