Dhuunta gaaska ka keenta Ruushka

Yurub ayaa gaaska ugu badan uga yimaadaa Ruushka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Yurub ayaa gaaska ugu badan uu uga yimaadaa Ruushka

Waxaa si rasmi ah loo furay tubo uu dhirirkeedu yahay 1200 kilometere oo gaaska dabiiciga ka soo qaado Ruushka oo keento Midowga Yurub.

Tubadan oo mari doonto badda hoosteeda ayaa Ruushka ka kaafin doonto ku tiirsanaanta tubooyinka gaaska ee soo mara dalka Ukraine.

Khilaafaad u dhexeeyay Ruushka iyo Ukraine ayaa dhowr jeer hakiyay gaaska.

Madaxweynaha Ruushka, Dmitry Medvedev iyo Raisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel, ayaa ka mid ah madaxda ka socota midowga Yurub oo ka qeyb galay xaflada lagu furaayo tuubadaasi.