Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bar internet oo sahlaysa lacag dirida

Bangiga Adduunka ayaa ku qiyaasaya in dadka Afrikaanka ee dibadda ku nool ay u diraan afartan bilyan oo dollar reerkooda iyo saaxiibadooda wadankooda jooga.

Lacagtan ay soo diraan dadka dibadda ku nool ayaa mihiim u ah dadka iyo Qaarada.

Waa wax fiican markii addeega lacag dirista la hormarinaayo. Guddiga Midowga Afrika iyo Bangiga Adduunka ayaa sameeyay bar internet oo dadka u fududaynayso lacag dirista.

Massimo Cirasino waa madaxa kaabayaasha adeega lacagaha ee Bangiga Adduunka, Sophie Ikenye ayaa waydiisay inuu macneeyo sida uu u shaqaynayo barta internetka ee ay u sameeyeen macaamiisha lacagaha dirto.

Berbera

Xoolihii ugu badnaaa ayaa ka baxay dekadda Berbera sanadkan iyadoo lagu kordhiyay dekadda Maxraj labaad.

Tirada xoolaha sanadkan ka dhoofay Dekedda Berbera iyo adeegyada ay u qabtaan ganacsiga xoolaha si uu ula tartamo sayladaha caalamiga, Wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha ee Somaliland Cabdi aw Daahir ayaa uga waramay Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayuu.

Kenya

Tan iyo bishii Augst lacagta Kenya ayaa qiimaheedu uu hoos u dhacayay markii loo badalayo Dollar. Halkii Dollar ayaa lagu sarifi jiray 80 shilinka Lenya,wuxuuna mar kor u dhaafaty sarifka halkii dollar 100 shilinka Kenya.

Dowladda ayaa doonaysa inay wax ka qabato hoos u dhaca qiimaha shilinka Kenya. Bilow Keerow waa xisaabiye horayna uga tirsanaan jiray Baarlamaanka Kenya .

Maxamuud Cali ayaa arrintan ka waraystay.