Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaarta oo caymis laga qaadan doono

Ku soo dhawaada barnaamishka ganacsiga ee ugu danbeeyay sanadkan 2011ka. Barnaamishka waxaan ku eegaynaa hoos udhaca dhaqaalaha adduunka iyo saamaynta ay ku yeelan doonto Afrika, abaartii xumayd ee sanadkan dhacday waxa uu caalamka ka qabandoono iyo saamaynta ay ku yeelatay dagaalka Soomaliya ganacsatada Soomaalida ee Kenya.

Tobankii sano eela soo dhaafay waxaa meelwal ba ka jirtay dhaqan Maraykanka iyo Yurub dayn la qaato oo wax lagu iibsado ka dinmna mar kale la bixin doono.

Shirkadaha, Dowladaha iyo dadka caadiga ah ayaa waay dhaqan ka dhigteen inay qaatan dayn ama amaah.

Dowladaha waxay qabeen kalsooni inay daymaha iska bixinayaan kadib markii canshuuraad badan ay ka arruuriso dhaqaalaha kordhaya.

Laakiin taas madhicin dhaqaalihii waa kordhi waayay, dowladihiina canshuuraad badan ma aysan arruurun sidaa darteed daymihii ama amaahdii ay qaateen way iska bixin waayeen.

Sanadka 2011 wuxuu ahaa sanad walwal galiyay dowladihii ugu dhaqaalaha waynaa adduunka.

Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horaysay waxay dhumisay darajadii ugu saraysay ee lagu qiimayn jiray maraykanka markuu daymaha qaadanaayo.

Madaxweyne Obama ayaa Jawaab adag ka bixiyay markii hoos loo dhigay qiimayntii Maraykanka sida uu amaahda iskaga bixin karo oo ahayd A A A.

Daymaha ama amaahda lagu leeyahay Maraykanka waa 15 Trillion, dalkan Biritain amaahda lagu leeyahay waa 977 billion pound taasoo u dhiganta lixdan iyo saddex boqolkiiba dhaqaalaha Britain.

Afrika

Sanadkankan abaartii ugu xumayd ee ka dhacda geeska Afrika ku dhawaad soddon sano ayaa cunto laaan dhigtay malaayiin qof geeska Afrika waxayna dishay boqolaal kun oo qof.

Hadaba maxuu caalamka ka qabanayaa si aysan u dhicin cunto la'aan mustaqbalka.

Cabdiraxmaan Beileh waa agaasimaha qaybta beeraha biyaha iyo horumarinta reer miyiga ee bangiga Horumarinta Afrika wuxuu sheegay Afrika inay samaysan doonto caymis si abaarta ay uga hortagto.