Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shidaal Soomaaliya laga qodayo goor dhow

Hadaad mudo dheer maqli jirtay Soomaaliya Shidaal ayaa ku jira, goor dhow waxaad ogaan doontaa inay dhab tahay iyo in kale.

Sida qorshaha uu yahay bishan gudaheeda ayaa waxaa bilaabanaya qodistii ceelashii ugu horeeyay ee shidaal laga baaro Soomaaliya.

Shirkadaha Africa Oil iyo Range Resources ayaa waxay wadajir uga baarayaan shidaal goobihii horay daraasaadka loogu sameeyay ee lagu tuhunsan yahay inuu shidaal ku jira.

Dooxada Dharoor oo u dhow Boosaaso ayaa laga qodi doonaa ceelasha ugu horeeya ee laga baarayo shidaalka maalmaha soo socda.

Liibaan Muse Boqr oo la taliye ka ahaan jiray shirkadda Range Resources ee shidaalka ka baaraysa Soomaaliya ayaan ka waraysanay sida shidaalka loo baarayo.