Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isbadalada garoonka muqdisho iyo dalxiiska Morocco

Todobaadkii hore lixdii Maarso ayay diyaaradii ugu horaysay ee Turkish airline ay bilowday duulimaadkeedii Muqdisho. Waxay ahayd duulimaadkii ugu horeeyay ee caalami ah mudo labaatan iyo kow sanno ee taga Somaliya.

Dowladda Turkiga ayaa dayactir ku samaynaysa garoon ka Muqdisho. Wasiir dowlaha gaadiidka cirka iyo dhulka ee Somaliya Saciid Jamac Qorsheel ayaa uga waramay Maxamed maxamuud Dhoore isbadalada ka socda garoonka iyo diyaaradaha ku soo kordhaya.

Morocco

Dalxiiska ayaa muhiim u ah dalka morocco iyadoo dhaqaalaha ugu badan wadanka uu ka yimaado dalxiiska.

Morroco ayaa doonaysa inay balaariso dalxiiskeeda, wadanka ma aha wadan qani ah laakiin waxaa maal galin ku samaynayadalaka carabta ee Qaliijka.

magaalooyinka Marrakash, Casablanca,Assuara iyo saxaaraha ayaa ka mid ah meelaha loo aado dalxiiska

Wariyaha BBC Simon Atkinson ayaa ka waramaya.

Dhuxusha

Dhuxusha lagu karsado cuntada ayaa laga sameeyo geedo la gubay oo deegaanka xaalufiya.

Somaliland dhoofinta dhuxushu waa maamnuuc oo sharci xaaraantimaynaaya ayaa jira Hase yeeshe ganacsiga gudaha ee dhuxusha ayaa kordhaaya taasi oo keenta xaaluf dhirta badan ee qoyan ee la jaraayo.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay ganacsiga dhuxusha gudoomiyaha hay'adda ka hortagga aafooyinka iyo cilmi baadhista deegaanka ee Somaliland Dr; Maxamed Muuse Cawaale ka ganacsiga dhuxusha iyo sida ay ugu daran tahay deegaanka.