Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shaqo la'aanta dhalinyarada Tunisia

Waxay ahayd wiil dhalinyaro reer Tunisia ooo jaamacad ka sooo baxay oo dab is qabad siiiyay 2010kii qofkii bilaabay kacdoonkii carabta. Shaqo laantaay dhalinyarada ayaa qayb wayn ka ahayd kacdoonkii Tunisia.

Laakiin tan iyo intii ay dowlada kumeel gaar ka ah ay xukunka haysay Tunisia mudo lix bilood ah maxaa iska badalay shaqo laanta ka jirta Tunisia. Wariyaha BBC Simon Atkinson ayaa warbixin ka soo diray.

Greece

Lacagta Euro ayaa qimihii ugu hooseeyay gaartay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan suuqyadii saamiyada yurub dad badan ayaa iska gaday samiyhoodiii shirkadaha.

Arrintan ayaa waxaa sabab u ah maalgashatada oo sugi doona hal bil in la qabto doorasho kale dalka Gariiiga, kadib markiii sagaal maalmoood oo wadahadal ah lagu samayn waayay dowlad isbahaysi oo aqbasha sharuuudaha gariiiga ay isaga bixin lahayd daymaha lagu leeyahay

Dowlad ku meel gaar ah ayaa sii hayn doonta xukunka Gariiga ilaa doorashada bisha danbe. Waxaa aad u batay cabsida laga qabo dalka Gariiiga inuu ka baxo dalalka isticmaala lacagta Euro. arrintan ayaa u keentay wadamada kale ee daymaha badan lagu leeyahay sida Spain iyo Italy ayaa korortay dulsaarka lacagaha ay suuqyada ka soo amaahdaan

Shaqo laaanta dhalinyarada Gariiiga iyo Spain ayaa gaartay boqolkiiba konton taasooo u kaeenaysa inay yaraato lacagtiii canshuurta ee dowlada sooo galaysay