Heshiis laga gaaray ganacsiga mooska

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Novermber, 2012, 23:25 GMT 02:25 SGA

Midowga Yurub iyo Latin America ayaa waxa u dhaxeeyay muran ganacsiga mooska ah muddo 20 sano ah

Muran caalami ah oo u dhexeeyay Midowga Yurub iyo Latin America oo ku saabsanaa ganacsiga mooska ayaa la xalliyay labaatan sano kadib.

Midowga Yurub iyo Latin America ayaa ku saxiixay Xarunta Ganacsiga Adduunka ee (WTO) heshiis rasmi ah oo lagu dhameynayp sideed kiis oo kala gooin ah.

Madaxa WTO, Pascal Lamy, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid taariikhi ah.

Heshiiskan ayaa waxa uu ka dambeeyay Midowga Yurub oo oggolaatay bishii Disember ee 2009 inay si tartiib ah ay u yareeyaan lacagta canshuurta ah ee laga qaado mooska laga keeno Latin America.

Dadka Latin America ee mooska dhoofiya ayaa muddo dheer ka cabanayay lacagta EU ee loogu tala galay in lagu daryeelo beeraleyda yaryar.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.