G20 oo ka hadlaya canshuuraha caalamiga

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Febraayo, 2013, 18:25 GMT 21:25 SGA
G20

Waddamada G20 ee ugu dhaqaalaha wayn ayaa ku kulmaya magaalada Moscow.

Wasiirada maaliyada ee dalalka G20 ee ugu dhaqaalaha wayn adduunka ayaa ku kulmaya magaalada Moscow si ay uga hadlaan in isbadalo lagu sameeynayo sharciga caalamiga ee u ogolaanaya shirkadaha inay canshuurta ay bixiyaan yareeyaan.

Sharciga hadda ayaa u ogolaanaya in shirkadaha caalamiga inay faa'iidadooda u wareejiyaan dalalka ay canshuurta la bixiyo yar tahay, si aysan canshuur u bixin dalalka kale ee canshuurtooda badan tahay.

Britain, Jarmalka, iyo Faransiiska ayaa hogaaminaya dadaal la doonayo in lagu joojiyo shirkadaha caalamiga ee canshuuraha aan bixin.

Warbixin cusub oo ay soo saari doonaan Ururka Iskaashiga dhaqaalaha iyo Horumarka (OECD) ayaa ka hadli doonta in loo baahan yahay isbadal sharciyada canshuuraha.

Shirkan ayaa yimid iyadoo dooda canshuurta aan la bixin ay sii badatay, Dalkan Britain kadib markii ay soo baxday shirkadaha waawayn ee Google, Amazon iyo Starbucks inay ka bixinayeen canshuur aad u yar faa'iidada ay ka sameeyeen Britain.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.