Ganacsiga Soomaalida ee Koonfur Africa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Febraayo, 2013, 21:28 GMT 00:28 SGA

Media Player

Magaalada Rustenburg ee dalka Koonfur Africa, waxay ka mid tahay goobaha ugu daran ee ‎Soomaalida ku dhaqan dalkaas ay dhibaatooyinka kala duwan ka soo gaaraan.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Gananacsatada Soomaalida ee Koonfur Afrika

Soomaalida ganacsatada ee jooga tuulo u dhow magaalada Rustenburg.

Magaalada Rustenburg ee dalka Koonfur Africa, waxay ka mid tahay goobaha ugu daran ee ‎Soomaalida ku dhaqan dalkaas ay dhibaatooyinka kala duwan ka soo gaaraan. Dhowaan markii ‎deegaanka Marikana ay rabshaduhu ka dhaceen ee ay macdan qodayaasha shaqo joojinta ‎samaynayay isaga horyimaaden booliiska rabshadaha ka hortaga, ayaa dad gadoodsan ay ‎abaareen oo boobeen goobaha Soomaalidu ku ganacsanaysay.

Ganacsatada Soomaalida

Mid ka mid ah milkiilayaasha dukaamada Soomaalida lida ee Koonfur Afrika.

Waxaa taa ka daran in sanadihii ‎ugu dambeeyay ay dukaamada ku yaalla tuulooyinka ama obasiibooyinka loo yaqaan Location-ka ‎ay ku dhinteen ganacsato dhalinyaro u badan oo iibinaysay dukaamada ku yaalla goobahaas.

‎Cabdiraxmaan Koronto oo dhowaan magaaladaas booqday ayaa tagay qaar ka mid ah ‎dukaamada ku yaalla tuulooyinka ee Soomaalida lagu waxyeeleeyay oo labaatan iyo afartan ‎kilmomitir u jira magaalada Rustenburg. Cabdiraxmaan ayaa barnaamijkan ku diyaariyay isla ‎magaalada Rustenburg iyo laba tuulo ee uu booqday.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.