Shiinaha iyo Ruushka oo saxiixay heshiis

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Maarso, 2013, 21:39 GMT 00:39 SGA
Madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jingping iyo xaaskiisa Pen Liyuan ayaa booqasho ku maraya Ruushka iyo Afrika.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, iyo madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku heshiiyay in la saddex jibaaro shidaalka uu Ruushka ka iibiyo Shiinaha. Shidaalka ayaa gaari doona ilaa konton milyan oo ton sanadkii.

Heshiiska ayaa la saxiixay, iyadoo madaxweynaha cusub ee Shiinaha uu booqashadiisii ugu horaysay kun tagay Ruushka.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale saxiixay heshiis hordhac ah, oo Ruushka uu Shiinaha gaas kaga iibin doono sanadka 2018.

Madaxweyne Xi Jingping ayaa u safri doono Axada bari Afrika.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.